Hindiya oo dib u celisay afar kalluumeysato oo ku xannibnaa Soomaaliya

 Afar kalluumeysato oo u dhashay gobolka Tamil Nadu ee dalka Hindiya, kuwaas oo muddo ku xannibnaa degmada Laasqoray ee Soomaaliya, ayaa maanta dib loogu celinayaa dalkooda kaddib dadaallo ay sameysay Safaaradda Hindiya ee fadhigeedu yahay Kenya.

Safaaradda Hindiya ee Nairobi ayaa sheegtay in ay diyaarisay howlaha dib loogu celinayo afartaasi kalluumeysato, kuwaas oo maanta loo qaaday safar ay dib ugu laabanayaan dalka Hindiya.

War kooban oo ay safaaraddu ku daabacday barta X ayaa lagu sheegay in kalluumeysatadan ay ku xannibnaayeen Laasqoray, isla markaana safaaraddu ay si joogto ah ula xiriirtay iyaga iyo qoysaskooda tan iyo markii arrintooda la soo gaarsiiyay.

Safaaradda ayaa xustay in dadaalladaasi ay ujeedkoodu ahaa in si nabad ah loogu fududeeyo muwaadiniintooda inay dib ugu laabtaan dalkooda, iyadoo la xaqiijiyay dhammaan hannaanadii lagama maarmaanka u ahaa safarkooda.

“Safaaraddu waxay xiriir joogto ah la lahayd kalluumeysatada iyo qoysaskooda laga soo bilaabo markii arrintan la soo gaarsiiyay, si loo fududeeyo soo laabashadooda nabdoon,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Dib u celinta afartan kalluumeysato ayaa kusoo aadeysa xilli mararka qaar ay dhibaatooyin la xiriira socdaal, amni ama xaalado nololeed ay ku qabsadaan muwaadiniin ajaaniib ah deegaanno ka tirsan Soomaaliya, gaar ahaan meelaha xeebaha ah ee ay ka dhacaan dhaqdhaqaaqyada kalluumeysiga.

Ilaa hadda, safaaradda Hindiya ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee kalluumeysatadan ugu xannibmeen Laasqoray, hase yeeshee waxay caddeysay in arrintooda si dhow loola socday ilaa laga xaqiijiyay dib ugu laabashadooda India.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles