Thursday, July 9, 2026

Madaxtooyada iyo mucaaradka oo Muqdisho uga furmaya wada-hadallo lagu xallinayo khilaafka doorashooyinka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmaya wada-hadallo siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kuwaas oo diiradda lagu saarayo khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo ismari-waaga siyaasadeed ee bilihii lasoo dhaafay hadheeyay xaaladda dalka.

Kulamadan oo noqonaya wejigii ugu horreeyay ee wada-hadal toos ah oo labada dhinac yeeshaan kaddib xiisadihii siyaasadeed ee soo xoogeysanayay, ayaa waxaa goob-joog ka ah wakiillo ka socda beesha caalamka, gaar ahaan dowladaha Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo si dhow ula socda dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro muranka taagan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Golaha Mustaqbalka iyo Kooxda Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dhinacyadu waxay isku afgarteen in la sii ambaqaado wada-hadallada siyaasadeed si loo abuuro jawi wadatashi iyo isfaham ku dhisan.

War-saxaafadeedka ayaa muujiyay in qodobka ugu weyn ee miiska saaran uu yahay sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan muranka la xiriira nooca doorasho ee dalka loo wajahayo, jadwalka siyaasadeed ee soo socda, iyo hannaan lagu heli karo is-afgarad ay ku wada qancaan dhinacyada isku haya masiirka geeddi-socodka doorashada.

Labada dhinac ayaa sidoo kale si gaar ah uga mahadceliyay dowladda Turkiga, oo door muuqda ku lahayd fududeynta kulamadan iyo isu soo dhaweynta dhinacyada siyaasadeed ee isku khilaafsan arrimaha doorashooyinka. Dowladda Ankara ayaa lagu ammaanay dadaallada ay ku bixisay sidii gogol wadahadal loogu dhigi lahaa dhinacyada, loona abuuri lahaa jawi lagu yareyn karo xiisadaha siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Wadahadalladan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay gashay marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dood adag ay ka taagan tahay nooca doorasho ee la qabanayo, sharciyadda hay’adaha qaarkood, iyo sida loo maareynayo kala aragti duwanaanta u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka. Khilaafkaasi ayaa bilihii lasoo dhaafay sababay isqabqabsi siyaasadeed, hadallo isdiidan iyo walaac laga muujiyay saameynta uu ku yeelan karo xasilloonida guud ee dalka.

Beesha caalamka ayaa dhowr jeer ku celcelisay in khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad, si looga fogaado xiisado hor leh oo halis gelin kara amniga, dowlad-dhiska iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka. Wakiillada caalamiga ah ayaa sidoo kale ku boorriyay dhammaan dhinacyada Soomaalida in ay muujiyaan tanaasul, isla markaana mudnaanta siiyaan danaha qaranka iyo xasilloonida dalka.

Indhaha siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda ku jeeda natiijada kasoo baxda kulamadan Muqdisho ka furmaya, kuwaas oo loo arko fursad muhiim ah oo lagu dejin karo xiisadda taagan, laguna gaari karo isfaham horseeda hannaan doorasho oo lagu wada qanco, kana badbaadiya dalka khilaaf siyaasadeed oo hor leh.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarriga ka jaray Taliska Guutada 77 ee xoogga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Golaha Wasiirrada oo ka digay khatarta roobabka El Niño, ansixiyeyna heshiisyo caalami ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii...

Midowga Afrika oo ku baaqay in la xoojiyo taageerada howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU), Mudane Mahmoud Ali Youssouf,...

FBI-da oo liiska dadka musuqmaasuqa loogu doonista badan yahay ku dartay Fahad Mohamed Nur

Hay’adda Dambi-baarista Federaalka Mareykanka (FBI) ayaa liiska dadka loogu...

Hindiya oo dib u celisay afar kalluumeysato oo ku xannibnaa Soomaaliya

 Afar kalluumeysato oo u dhashay gobolka Tamil Nadu ee...

Iiraan oo warqad cabasho ah u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Xoghayaha Guud

Iran ayaa warqad u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles