Iiraan oo warqad cabasho ah u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Xoghayaha Guud

Iran ayaa warqad u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Xoghayaha Guud, iyadoo ka cabanaysa weerarrada Mareykanka.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegtay, inay warqado cabasho ah u dirtay Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo ku saabsan weerarrada Mareykanka.

Saeed Iravani, oo ah wakiilka Iran ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in Mareykanku mar kale “bilaabay weerarro militari oo baahsan oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, taas oo si cad uga hor imaanaysa Axdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadkiisa caalamiga ah.”

Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay tallaabooyinkan Mareykanka inay yihiin, xadgudub ka dhan ah qodob ku jira Is-afgaradka Islamabad ee ay kala saxiixdeen Iran iyo Mareykanka.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inuu weeraray qiyaastii 90 bartilmaameed oo ku kala yaalla Iran, taas oo ah habeenkii labaad oo xiriir ah oo weerarro lagu qaaday dalkaas.

Bartilmaameedyada waxaa ka mid ahaa nidaamyada difaaca cirka, qalabka kormeerka xeebaha, goobaha lagu kaydiyo gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka, qalabka ciidamada badda, iyo kaabayaasha saadka militariga ee ku teedsan xeebaha Iran.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf, oo sidoo kale ah madaxa Iiraan, ayaa bartiisa X ku sheegay in “Mareykanku uusan weli baran in cabsi gelinta iyo jebinta ballanqaadyadu aysan mar dambe noqon doonin wax aan cawaaqib lahayn.”

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles