Thursday, July 9, 2026

Golaha Wasiirrada oo ka digay khatarta roobabka El Niño, ansixiyeyna heshiisyo caalami ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta khatarta roobabka Super El Niño oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Warbixinta ayaa tilmaantay in Soomaaliya ay wajahayso fatahaado, daadad degdeg ah iyo barakac, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara beeraha, xoolaha, wax soo saarka iyo amniga cunnada dalkeenna.

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay qorshe qaran oo lagu xoojinayo u diyaargarowga, tallaabooyinka ka hortagga iyo iskaashiga hey’adaha dowladda, si looga jawaabo, loona yareeyo saameynta El Niño, iyada oo ahmiyadda la saarayo ilaalinta nolosha shacabka, beeraha iyo sugnaanta cuntada dalka.

Shirka, oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey:

Habraaca Isku-xirka Farriimaha Dowladda ee xilliyada xaaladaha deg-degga ah ee la xiriira falalka argagixisada.

Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkmenistan, kaas oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed.

Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Hindiya, kaas oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed.

Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo dekedaha.
– DHAMMAAD –

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarriga ka jaray Taliska Guutada 77 ee xoogga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Midowga Afrika oo ku baaqay in la xoojiyo taageerada howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU), Mudane Mahmoud Ali Youssouf,...

FBI-da oo liiska dadka musuqmaasuqa loogu doonista badan yahay ku dartay Fahad Mohamed Nur

Hay’adda Dambi-baarista Federaalka Mareykanka (FBI) ayaa liiska dadka loogu...

Hindiya oo dib u celisay afar kalluumeysato oo ku xannibnaa Soomaaliya

 Afar kalluumeysato oo u dhashay gobolka Tamil Nadu ee...

Madaxtooyada iyo mucaaradka oo Muqdisho uga furmaya wada-hadallo lagu xallinayo khilaafka doorashooyinka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmaya wada-hadallo siyaasadeed oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles