Taliyaha ciidanka Dhulka Turkiga oo yimid Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya, habraaca iyo sharafta ciidamada ayaa lagu maamuusay soo dhaweynta Taliyaha iyo wafdigiisa

Booqashadan ayaa muujinaysa xiriirka qotada dheer ee walaaltinimo iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo saldhig u ah iskaashi ballaaran oo dhinacyada amniga iyo difaaca ah. 

Dowladda Turkiga ayaa door muhiim ah ka qaadatay dib u dhiska, tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, kobcinta awoodda ciidamada iyo xoojinta iskaashiga difaaca. Xiriirka labada dal ayaa si joogto ah u sii xoogeysanaya, iyadoo la dardargelinayo wada-shaqeynta amniga iyo la dagaallanka khataraha wadajirka ah.

Waxaa la filayaa in booqashadan ay sii xoojiso xiriirka labada ciidan iyo iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarrada iyo is-dhaafsiga khibradaha, taas oo gacan ka geysan doonta adkeynta amniga, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles