Tuesday, August 11, 2026

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo Gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud

Xildhibaanad Reys Qorane Abshir aAdam oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye (Makaawi) ayaa booqasho shaqo ku gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay u tageen qiimeynta xaaladda bani’aadannimo iyo baahiyaha mudnaanta leh ee bulshada deegaanka.

Wafdiga waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Caabudwaaq, waxaana munaasabadda soo dhaweynta ka hadlay Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq, Guddoomiyaha Ururka Haweenka iyo qaar ka mid ah waxgaradka degmada, kuwaas oo adkeeyay muhiimadda ay booqashadani u leedahay bulshada deegaanka iyo rajada laga qabo in ay horseeddo gurmad iyo taageero dheeraad ah.

Wafdigaan oo ka hadlay ujeeddada booqashadooda ayaa sheegay in safarkoodu uu salka ku hayo qiimeyn dhab ah oo lagu ogaanayo xaaladda deegaanka, si loo xoojiyo gurmadka iyo taageerada la gaarsiinayo bulshada ay saameeyeen duruufaha bani’aadannimo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles