Taliyaha ciidanka Dhulka Turkiga oo yimid Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya, habraaca iyo sharafta ciidamada ayaa lagu maamuusay soo dhaweynta Taliyaha iyo wafdigiisa

Booqashadan ayaa muujinaysa xiriirka qotada dheer ee walaaltinimo iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo saldhig u ah iskaashi ballaaran oo dhinacyada amniga iyo difaaca ah. 

Dowladda Turkiga ayaa door muhiim ah ka qaadatay dib u dhiska, tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, kobcinta awoodda ciidamada iyo xoojinta iskaashiga difaaca. Xiriirka labada dal ayaa si joogto ah u sii xoogeysanaya, iyadoo la dardargelinayo wada-shaqeynta amniga iyo la dagaallanka khataraha wadajirka ah.

Waxaa la filayaa in booqashadan ay sii xoojiso xiriirka labada ciidan iyo iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarrada iyo is-dhaafsiga khibradaha, taas oo gacan ka geysan doonta adkeynta amniga, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles