Trump iyo Netanyahu oo u tashanaya Iiraan

Warbaahinta Israa’iil ayaa ka soo xigatay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Khamiistii khadka taleefanka kula hadlay Netanyahu si ay uga wada hadlaan xaaladihii ugu dambeeyay ee la xiriira Iran.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil, labada dhinac waxay ka wada hadleen “tallaabooyin la isku dubbariday oo laga fulinayo jihooyin kala duwan,” waxaana Donald Trump uu Benjamin Netanyahu uga warbixiyay tallaabooyinka uu Maraykanku ka qaaday Iran.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Netanyahu uu dhaleeceeyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo xubno ka tirsan xulafadiisa, isagoo ku eedeeyay inay ka soo horjeedaan jiritaanka dowladda Israa’iil. Wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii ilaaliyo aagagga amniga ee ku teedsan xadka u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan.

Turkiga ayaa maalmahan martigeliyay shir-madaxeedkii NATO.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa marar badan ku eedeeyay Israa’iil inay wiiqayso is-afgaradkii u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa si isdaba joog ah uga muujisay walaac ku saabsan suurtagalnimada in Turkiga laga iibiyo diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee F-35, arrin la sheegay inay sababtay in la baajiyo booqasho uu Wasiirka Difaaca Maraykanka Pete Hegseth ku tagi lahaa Israa’iil.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles