M/weyne Xasan Shiikh oo ka qeybgalaya tababar loo soo xiray saraakiil cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno si guul leh u dhammeystay sanad waxbarashadooda ciidan ee Dugsiga Tababarka ee TURKSOM.

Madaxweynaha oo daawaday dhoolatus ciidan oo ay wadajir u sameeyeen Saraakiisha, Saraakiil-xigeenada iyo colalkii ay hoggaamin lahaayeen ayaa ku bogaadiyey dadaalka, adkaysiga iyo hufnaanta ay muujiyeen muddadii uu tababarkoodu socday, isaga oo xusay in ay yihiin hoggaamiyeyaasha berri ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, lagana sugayo inay si daacadnimo, aqoon iyo waddaniyad ku dheehan tahay ugu adeegaan qarankooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dib u dhiska, casriyeynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay u yeeshaan awood iyo xirfad ay ku xaqiijiyaan amniga dalka, difaaca qarannimada iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga taageerada joogtada ah ee ay ku bixiso horumarinta iyo tayeynta ciidamada Soomaaliyeed, taasi oo door muuqda ka qaadatay dhismaha ciidan qaran oo leh xirfad iyo karti, kana jawaabi kara waajibaadka qaran ee horyaalla.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles