Wasiirka Isgaarsiinta oo Geneva kaga qaybgalay shir looga hadlayo horumarinta Dhijitaalka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadam Macallim (SOOMAALI), ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee Isbeddelka Dijitaalka, Mudane Sangbu Kim, xilli uu ka qayb galayo Shirka Heerka Sare ee WSIS+20.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray jihada cusub ee iskaashiga Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, iyadoo la isla qaatay mudnaanta la siinayo hirgelinta Qorshaha Qaran ee Digital Public Infrastructure (DPI).

Qorshahan ayaa la filayaa inuu saldhig u noqdo isku xirka adeegyada dowladda, fududeynta adeeg bixinta, iyo kobcinta dhaqaalaha ku dhisan tiknoolajiyadda.

Labada dhinac waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan sidii taageerada Bangiga Adduunka ay ula jaanqaadi lahayd qorshayaasha dib-u-habeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha adeegyo dijitaal oo gaara muwaadiniinta iyo ganacsiyada dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulammada dhinacyada badan ee ay wafdiga Soomaaliya ka wadaan magaalada Geneva, kuwaas oo lagu ballaarinayo iskaashiyada caalamiga ah isla markaana lagu soo jiidanayo taageero dheeraad ah oo lagu hirgelinayo himilooyinka isbeddelka dijitaalka.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles