Wasiirka Isgaarsiinta oo Geneva kaga qaybgalay shir looga hadlayo horumarinta Dhijitaalka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadam Macallim (SOOMAALI), ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee Isbeddelka Dijitaalka, Mudane Sangbu Kim, xilli uu ka qayb galayo Shirka Heerka Sare ee WSIS+20.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray jihada cusub ee iskaashiga Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, iyadoo la isla qaatay mudnaanta la siinayo hirgelinta Qorshaha Qaran ee Digital Public Infrastructure (DPI).

Qorshahan ayaa la filayaa inuu saldhig u noqdo isku xirka adeegyada dowladda, fududeynta adeeg bixinta, iyo kobcinta dhaqaalaha ku dhisan tiknoolajiyadda.

Labada dhinac waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan sidii taageerada Bangiga Adduunka ay ula jaanqaadi lahayd qorshayaasha dib-u-habeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha adeegyo dijitaal oo gaara muwaadiniinta iyo ganacsiyada dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulammada dhinacyada badan ee ay wafdiga Soomaaliya ka wadaan magaalada Geneva, kuwaas oo lagu ballaarinayo iskaashiyada caalamiga ah isla markaana lagu soo jiidanayo taageero dheeraad ah oo lagu hirgelinayo himilooyinka isbeddelka dijitaalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles