Saturday, July 11, 2026

DFS oo xirtay askar lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen Calanka Mareykanka

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in la xiray shaqsiyaad ku labisnaa dareyska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaal muujinayay rag ku labisan dareyska ciidanka oo ku dul istaagay calanka Dowladda Mareykanka.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in falkaasi uu yahay mid aan la aqbali karin, isla markaana uusan ka tarjumayn qiyamka, anshaxa iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale caddeysay in dhacdadan aysan metelin mowqifka Wasaaradda Gaashaandhigga ama Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dhammaan dadkii ku lugta lahaa falkaasi la xiray, iyadoo intaas ku dartay in baaritaan rasmi ah uu socdo si loo ogaado sida ay wax u dhaceen iyo in tallaabooyin sharci iyo kuwo anshax laga qaado cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in Dowladda Soomaaliya ay muhiimad weyn siiso iskaashiga dhinaca amniga ee kala dhexeeya Dowladda Mareykanka, iyadoo tilmaantay in wada-shaqeynta labada dal ay door weyn ka qaadatay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish, iyo xoojinta awoodda hay’adaha amniga dalka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku celisay ixtiraamka ay u hayso shacabka iyo calanka Mareykanka, waxayna adkaysay inay ka go’an tahay sii wadidda iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

WARARKII KALE

Dabka ka kacay duurka Spain oo dilay 12 qof

Dab aad u weyn oo ka kacay koonfur-bari Spain...

RW Xamse Cabdi Barre oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Goobaha ganacsiga Boosaaso oo maanta xiran iyo xiisad culus oo taagan

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in goobaha...

Mucaaradka oo shaaciyay labo qodob ee weli la isku hayo wadahadallada siyaasadeed ka socda Muqdisho

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha...

Shariif Sheekh oo DF ku eedeeyay in hubka Qaranka loo adeegsado siyaasadda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay...

Trump oo ka walaacsan in Iran ay disho iyo waxa dhici kara

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa u hanjabay dowladda Iran,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles