Saturday, July 11, 2026

Trump oo ka walaacsan in Iran ay disho iyo waxa dhici kara

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa u hanjabay dowladda Iran, isagoo sheegay in Maraykanku uu qaadi doono weerarro ballaaran oo ka dhan ah Iran haddii ay isku daydo ama ay fuliso qorshe lagu doonayo in lagu khaarijiyo isaga.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayuu Trump ku yiri:

“Kun gantaal ayaa loo diyaariyey, laguna beegsaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Haddii hanjabaadda dowladda Iran ee lagu doonayo in lagu dilo madaxweynaha Maraykanka la fuliyo, kumannaan gantaal oo kale ayaa isla markiiba la ridi doonaa.”

Trump ayaa sidoo kale sheegay in amaradii lagama maarmaanka ahaa hore loo bixiyay, isla markaana ciidamada Maraykanku ay diyaar u yihiin inay “si buuxda u burburiyaan dhammaan goobaha Iran” muddo hal sano ah, iyadoo ay jirto suurtagalnimada in muddadaas la kordhiyo.

Wuxuu farriintiisa ku soo gabagabeeyay:

“Mahad oo dhan waxaa iska leh Alle.”

Hanjabaaddan ayaa timid kadib markii ay soo baxeen warar sirdoonka Israa’iil ay sheegeen oo ku saabsan qorshe cusub oo la sheegay in Iran ay ku doonayso inay ku disho Trump, iyo sidoo kale sawirro iyo halku-dhegyo lagu soo bandhigay intii lagu jiray aaska Ayatollah Cali Khamenei.

Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa hore u beeniyay eedeymaha sheegaya inay qorsheynayeen in la khaarijiyo Donald Trump.

WARARKII KALE

Dabka ka kacay duurka Spain oo dilay 12 qof

Dab aad u weyn oo ka kacay koonfur-bari Spain...

RW Xamse Cabdi Barre oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Goobaha ganacsiga Boosaaso oo maanta xiran iyo xiisad culus oo taagan

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in goobaha...

Mucaaradka oo shaaciyay labo qodob ee weli la isku hayo wadahadallada siyaasadeed ka socda Muqdisho

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha...

Shariif Sheekh oo DF ku eedeeyay in hubka Qaranka loo adeegsado siyaasadda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay...

DFS oo xirtay askar lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen Calanka Mareykanka

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in la xiray shaqsiyaad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles