DFS oo xirtay askar lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen Calanka Mareykanka

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in la xiray shaqsiyaad ku labisnaa dareyska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaal muujinayay rag ku labisan dareyska ciidanka oo ku dul istaagay calanka Dowladda Mareykanka.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in falkaasi uu yahay mid aan la aqbali karin, isla markaana uusan ka tarjumayn qiyamka, anshaxa iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale caddeysay in dhacdadan aysan metelin mowqifka Wasaaradda Gaashaandhigga ama Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dhammaan dadkii ku lugta lahaa falkaasi la xiray, iyadoo intaas ku dartay in baaritaan rasmi ah uu socdo si loo ogaado sida ay wax u dhaceen iyo in tallaabooyin sharci iyo kuwo anshax laga qaado cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in Dowladda Soomaaliya ay muhiimad weyn siiso iskaashiga dhinaca amniga ee kala dhexeeya Dowladda Mareykanka, iyadoo tilmaantay in wada-shaqeynta labada dal ay door weyn ka qaadatay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish, iyo xoojinta awoodda hay’adaha amniga dalka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku celisay ixtiraamka ay u hayso shacabka iyo calanka Mareykanka, waxayna adkaysay inay ka go’an tahay sii wadidda iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles