Shariif Sheekh oo DF ku eedeeyay in hubka Qaranka loo adeegsado siyaasadda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in hubka Qaranka loo adeegsanayo beegsiga siyaasiyiinta, xilli sida uu sheegay kooxda Al-Shabaab ay weli ku sugan tahay meelo aan ka fogeyn magaalada Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed ayaa yiri: “Hubkii Qaranka ayaa lagu gumaadayaa siyaasiyiinta, iyadoo Muqdisho meel aan ka fogeyn ay joogaan Al-Shabaab.”

Madaxweynihii hore ayaa hadalkan ku muujiyay walaac ku aaddan xaaladda amniga iyo siyaasadda dalka, isagoo ku baaqay in ciidamada iyo hubka Qaranka loo adeegsado la dagaallanka Al-Shabaab iyo difaaca shacabka, halkii loo adeegsan lahaa khilaafaadka siyaasadeed.

Hadalka Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli socdaan dadaallo lagu raadinayo xal siyaasadeed oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles