RW Xamse Cabdi Barre oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo dib-u-dhis lagu sameynayo, taas oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ay ku horumarinayso hey’adaha muhiimka u ah adeegyada bulshada iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu ay laf-dhabar u tahay horumarinta dhaqaalaha dalka, maadaama ay door muhiim ah ka qaadato kobcinta ganacsiga, horumarinta wax-soo-saarka, dhiirrigelinta maalgashiga iyo abuurista jawi ganacsi oo hufan.

“Xarunta Wasaaradda oo muddo 50 sano ah dhisnayd, kana muuqatay duugnimo, dib-u-dhiskeedu waa tallaabo muhiim ah. Wasaaraddani waxa ay kamid tahay wasaaradaha laf-dhabarta u ah Qaranka, waana albaabka loo maro ganacsiga iyo horumarinta wax-soo-saarka dalkeenna.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay tayeynta kaabeyaasha hey’adaha Qaranka, si loo dardargeliyo adeegyada ay shacabka u hayaan, loona xoojiyo fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee dalka.

“Dalkeennu wuxuu u jihaystay dhanka horumarka iyo kobcinta wax-soo-saarka, waxaana la filayaa in dhawaan ay dalka ka hirgalaan warshado badan oo ay leeyihiin maalgashadeyaal Soomaaliyeed iyo kuwo ajnabi ah oo dalka maalgashanaya.”Ayuu yiri R/Wasaare Xamsa.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan hirgelinta mashruucan dib-u-dhiska ah, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda hey’adda iyo adeegyada ay u hayso shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo u safray Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Guddiga Doorashada oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee laashay doorashadii Galmudug

Guddiga lagu muransanyahay ee doorashada ayaa goordhow ku dhawaaqay...

Itoobiya oo badeshay ciidamadeeda ku sugnaa Baydhabo iyo kuwa cusub oo ay geysay Magaalada

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay beddeshay dhammaan ciidamadii...

Burburin iyo barakac xooggan oo ka socda Buulo Eelay, Muqdisho oo wajahaysa qax

Burburin iyo barakac ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka UK u qaabilsan Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Muqdisho kulan kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles