Maalintii Labaad oo Xiran Suuqyada Boosaaso iyo Muran ka taagan Canshuuraha Cusub ee Dekedda

Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah xiran suuqyada iyo goobaha ganacsiga ee magaalada Boosaaso, iyadoo uu weli taagan yahay muran ka dhashay canshuuraha iyo khidmadaha cusub ee lagu soo rogay Dekedda Boosaaso.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska Puntland saaka la geeyay qaar ka mid ah goobaha ganacsiga, xilli la filayo in maanta uu kulan dhex maro maamulka Puntland iyo ganacsatada si xal loogu raadiyo khilaafka taagan.

Ganacsatada ayaa xiray suuqyadooda iyagoo ka cabanaya canshuuraha iyo khidmadaha cusub ee ay sheegeen inay soo rogeen maamulka Puntland iyo shirkadda DP World oo maamusha Dekedda Boosaaso. Waxay sheegeen in khidmadahaasi ay culays ku yihiin ganacsiga, isla markaana ay sare u qaadi doonaan qiimaha badeecadaha ay shacabka isticmaalaan.

Xirnaanshaha Dekedda Boosaaso ayaa si weyn u saameeyay isu socodka badeecadaha, maadaama ay tahay marin ganacsi oo muhiim u ah Puntland, lagana soo dejiyo raashin, shidaal, dawooyin, qalabka dhismaha iyo badeecooyin kale oo gaara deegaanno ka tirsan Itoobiya iyo Koonfurta Soomaaliya.

Dhanka kale, tobannaan gaadiid xamuul ah ayaa ku xayiran hareeraha dekedda, halka maraakiib iyo doonyo ganacsi ay weli sugayaan in laga dejiyo shixnadahooda, iyadoo muranka u dhexeeya ganacsatada, maamulka Puntland iyo shirkadda DP World uusan weli xal rasmi ah gaarin.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles