MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga Qaybgalo Aaska Amiirkii Hore ee Dalkaas

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan dalka Qatar si uu uga qaybgalo aaska Amiirkii hore ee dalkaas, Sheekh Hamad bin Khalifa Aal Thaani, oo geeridiisa ay si rasmi ah u shaaciyeen mas’uuliyiinta Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay dowladda iyo shacabka Qatar uga tacsiyeeyay geerida Amiirkii hore, isagoo ku ammaanay kaalintii uu ka qaatay horumarka Qatar iyo xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka caalamka, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Madax kala duwan oo caalami ah ayaa sidoo kale tacsi u diray dowladda Qatar, waxaana la filayaa inay gaaraan Doha si ay u saxiixaan buugga tacsida ugana qaybgalaan aaska loo qabanayo Amiirkii hore.

Sheekh Hamad bin Khalifa Aal Thaani ayaa hoggaaminayay Qatar intii u dhexeysay 1995 ilaa 2013, waxaana lagu xusuustaa inuu hormuud ka ahaa isbeddelladii waaweynaa ee dalkaas, ka hor inta uusan xilka ku wareejin wiilkiisa, Amiirka hadda talada haya, Sheekh Tamim bin Hamad Aal Thaani.

Dhanka kale, dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah, iyadoo dalkaasi uu martigelinayo madax iyo wafdiyo ka kala imanaya dalal badan oo u tagaya inay ka qeybgalaan aaska iyo munaasabadaha tacsida.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir diblomaasiyadeed oo dhow, iyadoo Doha ay sanadihii u dambeeyay door muuqda ka qaadatay taageerada mashaariicda horumarinta, gargaarka bini’aadantinimo iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles