Puntland oo qorsheynaysa Furista Suuqyada Boosaaso iyo Ganacsatada oo diidan bixinta Canshuurta Cusub

Xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ayaa weli taagan, iyadoo maamulka Puntland lagu soo warramayo inuu qorsheynayo inuu xoog ku furo goobaha ganacsiga ee magaalada oo xiran maalintii saddexaad, halka Dekedda Boosaaso ay weli xiran tahay maalintii 13-aad.

Shalay waxaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday kulan u dhexeeyay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo guddi ay iska soo xuleen ganacsatada wax kala soo dega Dekedda Boosaaso. Kulanka ayaa looga hadlay xirnaanshaha dekedda iyo cabashada ganacsatada ee la xiriirta khidmadaha iyo canshuuraha cusub ee lagu soo rogay badeecadaha.

Inkasta oo kulankaasi uusan wax heshiis ah dhalin, haddana labada dhinac ayaa ku ballamay inay mar kale isugu yimaadaan wada-hadallo cusub, iyadoo maanta ay weli xiran yihiin inta badan goobaha ganacsiga ee magaalada.

Ganacsatada ayaa ku adkeysanaya mowqifkooda ah in dowladda Puntland ay ka laabato waxa ay ku tilmaameen canshuur labanlaab ah oo lagu soo rogay badeecadaha kala duwan ee kasoo dega Dekedda Boosaaso.

Dhanka kale, wasiirro ka tirsan maamulka Puntland ayaa difaacay canshuuraha cusub, iyagoo sheegay in diidmada bixinta canshuurta ay tahay fal ka baxsan sharciga. Waxay sidoo kale xaqiijiyeen in wada-hadalladii shalay ay ku dhammaadeen is-afgarad la’aan.

Xirnaanshaha Dekedda Boosaaso iyo suuqyada magaalada ayaa saameyn ku yeeshay magaalooyin kale oo Puntland ka tirsan, gaar ahaan Garowe, halkaas oo la sheegay in bakhaarro waaweyn ay qayb ahaan xirmeen.

Sidoo kale, shacabka ku nool deegaannada Puntland ayaa dareemaya saameynta hakadka ganacsiga, iyadoo wararku sheegayaan inuu sare u kac ku yimid qiimaha maciishadda daruuriga ah, taasoo sii kordhinaysa culeyska dhaqaale ee shacabka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada...

Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles