Puntland oo qorsheynaysa Furista Suuqyada Boosaaso iyo Ganacsatada oo diidan bixinta Canshuurta Cusub

Xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ayaa weli taagan, iyadoo maamulka Puntland lagu soo warramayo inuu qorsheynayo inuu xoog ku furo goobaha ganacsiga ee magaalada oo xiran maalintii saddexaad, halka Dekedda Boosaaso ay weli xiran tahay maalintii 13-aad.

Shalay waxaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday kulan u dhexeeyay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo guddi ay iska soo xuleen ganacsatada wax kala soo dega Dekedda Boosaaso. Kulanka ayaa looga hadlay xirnaanshaha dekedda iyo cabashada ganacsatada ee la xiriirta khidmadaha iyo canshuuraha cusub ee lagu soo rogay badeecadaha.

Inkasta oo kulankaasi uusan wax heshiis ah dhalin, haddana labada dhinac ayaa ku ballamay inay mar kale isugu yimaadaan wada-hadallo cusub, iyadoo maanta ay weli xiran yihiin inta badan goobaha ganacsiga ee magaalada.

Ganacsatada ayaa ku adkeysanaya mowqifkooda ah in dowladda Puntland ay ka laabato waxa ay ku tilmaameen canshuur labanlaab ah oo lagu soo rogay badeecadaha kala duwan ee kasoo dega Dekedda Boosaaso.

Dhanka kale, wasiirro ka tirsan maamulka Puntland ayaa difaacay canshuuraha cusub, iyagoo sheegay in diidmada bixinta canshuurta ay tahay fal ka baxsan sharciga. Waxay sidoo kale xaqiijiyeen in wada-hadalladii shalay ay ku dhammaadeen is-afgarad la’aan.

Xirnaanshaha Dekedda Boosaaso iyo suuqyada magaalada ayaa saameyn ku yeeshay magaalooyin kale oo Puntland ka tirsan, gaar ahaan Garowe, halkaas oo la sheegay in bakhaarro waaweyn ay qayb ahaan xirmeen.

Sidoo kale, shacabka ku nool deegaannada Puntland ayaa dareemaya saameynta hakadka ganacsiga, iyadoo wararku sheegayaan inuu sare u kac ku yimid qiimaha maciishadda daruuriga ah, taasoo sii kordhinaysa culeyska dhaqaale ee shacabka.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles