Kulamo Siyaasadeed oo Ka socda Muqdisho Kahor Wadahadalka DF iyo Mucaaradka ee 20-ka July

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wareegga labaad ee wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo dhinacyada mucaaradka, oo ay dhexdhexaadinayaan wakiillo ka socda Beesha Caalamka, dib loogu muddeeyay 20-ka July 2026.

Sida xogaha la helayo ay tilmaamayaan, wakiillada Beesha Caalamka ayaa labada dhinac ku wargeliyay in maalintaas ay mar kale isugu yimaadaan kulan fool ka fool ah si loo sii ambaqaado dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

Inta ka horreysa kulankaas, waxaa la qorsheeyay in dhinacyada si gaar-gaar ah loola kulmo, iyadoo diiradda la saarayo sidii loo abuuri lahaa jawi isu-soo-dhowaansho iyo isfaham, maadaama weli ay jiraan kala aragti duwanaansho weyn, gaar ahaan u dhexeeya Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo siyaasadeed oo gooni-gooni ah oo ay yeelanayaan Dowladda Federaalka, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo guddiga farsamo ee ka socda madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulamadan looga arrinsanayo ajandayaasha iyo qorshayaasha ay dhinac walba la tegi doonaan kulanka loo qorsheeyay 20-ka July, iyadoo la falanqeynayo qodobada laga yaabo in lagu gorfeeyo wada-hadalka iyo istaraatiijiyadda siyaasadeed ee ay dhinacyadu qaadan doonaan.

Dhexdhexaadiyeyaasha Beesha Caalamka ayaa weli wada dadaallo lagu doonayo in la isku soo dhoweeyo mowqifyada dhinacyada, si wadahadallada soo socda ay u noqdaan kuwo horseeda is-afgarad siyaasadeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada...

Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles