Tuesday, August 11, 2026

DF oo sheegtay in la dilay horjooge halis ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo duqeyn lagu beegsaday

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ay fuliyeen howlgallo isugu jiray duqeymo iyo weerarro gaar ah oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga, duqeymo qorsheysan ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada Cadow Jilib, Gayfo iyo Qordheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda ayaa sheegtay in howlgalkaas lagu dilay 26 maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo goobo ay kooxdu u adeegsaneysay abaabulka iyo fulinta weerarrada.

Wasaaraddu waxay xustay in duqeymahan ay qeyb ka yihiin howlgallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab laguna baajinayo weerarro ay qorsheynayeen.

Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay deegaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu dilay Cabdisalaan Macallin Abuukar, oo dowladda ku sheegtay horjooge muddo dheer Al-Shabaab u qaabilsanaa qorista maleeshiyaadka cusub iyo uruurinta lacagaha baadda ah ee shacabka laga qaado.

Dowladdu waxay sheegtay in Cabdisalaan muddo lagu daba jiray, isla markaana lagu bartilmaameedsaday howlgal la fuliyay 10-kii Luulyo 2026 xilli uu ku sugnaa guri ku yaalla deegaanka Hantiwadaag.

Howlgalkaas ayaa sidoo kale, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, dhaawac culus lagu gaarsiiyay Macallin Daa’uud, oo dowladda ku tilmaantay horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dabagalka iyo amniga gudaha.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in xogta ay hayso ay muujineyso in Al-Shabaab ay maanta gudaha Hantiwadaag ku aaseen Cabdisalaan Macallin Abuukar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay sii wadi doonto howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo uga mahadcelisay saaxiibada caalamiga ah taageerada ay ka geystaan la-dagaallanka kooxda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles