MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga Qaybgalo Aaska Amiirkii Hore ee Dalkaas

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan dalka Qatar si uu uga qaybgalo aaska Amiirkii hore ee dalkaas, Sheekh Hamad bin Khalifa Aal Thaani, oo geeridiisa ay si rasmi ah u shaaciyeen mas’uuliyiinta Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay dowladda iyo shacabka Qatar uga tacsiyeeyay geerida Amiirkii hore, isagoo ku ammaanay kaalintii uu ka qaatay horumarka Qatar iyo xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka caalamka, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Madax kala duwan oo caalami ah ayaa sidoo kale tacsi u diray dowladda Qatar, waxaana la filayaa inay gaaraan Doha si ay u saxiixaan buugga tacsida ugana qaybgalaan aaska loo qabanayo Amiirkii hore.

Sheekh Hamad bin Khalifa Aal Thaani ayaa hoggaaminayay Qatar intii u dhexeysay 1995 ilaa 2013, waxaana lagu xusuustaa inuu hormuud ka ahaa isbeddelladii waaweynaa ee dalkaas, ka hor inta uusan xilka ku wareejin wiilkiisa, Amiirka hadda talada haya, Sheekh Tamim bin Hamad Aal Thaani.

Dhanka kale, dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah, iyadoo dalkaasi uu martigelinayo madax iyo wafdiyo ka kala imanaya dalal badan oo u tagaya inay ka qeybgalaan aaska iyo munaasabadaha tacsida.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir diblomaasiyadeed oo dhow, iyadoo Doha ay sanadihii u dambeeyay door muuqda ka qaadatay taageerada mashaariicda horumarinta, gargaarka bini’aadantinimo iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada...

Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles