Kenya waxay wajahaysaa 84.1% khatar ah inuu dhaco nooc ka mid ah rabshadaha la xiriira doorashada inta lagu jiro Doorashada Guud ee sannadka soo socda ee 2027, sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray Machadka Kofi Annan.
Warbixintu waxay caddeyneysaa in qiimeyntu tahay mid ku saleysan heer khatar ah, balse aysan macnaheedu ahayn in rabshado ay si dhab ah u dhici doonaan. Sidaas darteed, waxay ugu baaqaysaa dowladda, hoggaamiyeyaasha siyaasadda, ururrada bulshada rayidka ah iyo shacabka inay qaadaan tallaabooyin hore oo lagu xoojinayo dadaallada nabadda iyo ka hortagga rabshadaha ka hor inta aysan dhicin.
“Tirooyinkani waa qiimeyn khatar, mana aha xaqiijin waxa dhici doona. Waa inay noqdaan baaq lagu dhaqaaqo goor hore si loo xoojiyo dadaallada nabadda loogana hortago rabshadaha ka hor inta aysan dhicin,” ayay warbixintu sheegtay.
Sida uu sheegay Machadka Kofi Annan, doorashadu waxay noqon kartaa fursad lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, balse sidoo kale waxay kordhin kartaa xiisadaha haddii ay jiraan kala qaybsanaan siyaasadeed, hay’ado daciif ah ama hoos u dhac ku yimaadda kalsoonida shacabka ee hannaanka doorashada.
Warbixintu waxay sheegtay in Tusmada Khatarta Doorashada ay adeegsato tilmaamayaal siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo maamul si loo qiimeeyo xaaladda doorashada, isla markaana loo bixiyo digniin xilii hore oo ku socota dejiyeyaasha siyaasadaha, maamulka doorashada iyo dhinacyada kale ee ay khusayso.
Kenya waxay ka mid tahay 10 waddan oo warbixinta lagu sameeyay falanqayn qoto dheer, taas oo isku daraysa qiimeyn tirakoob iyo falanqayn ku saabsan xaaladda siyaasadeed, caqabadaha doorashada iyo tallaabooyinka la qaadi karo si loo yareeyo khatarta rabshadaha ka hor Doorashada Guud ee sannadka 2027.


