Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo hanjabaad cusub u diray Iran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Israa’iil ay qaadi doonto weerarro aargoosi ah haddii Iran ay mar kale weerarto.

Muuqaal uu ku baahiyay baraha uu ku leeyahay warbaahinta bulshada, ayuu Netanyahu ku yiri:

“Waxaan rabaa inaan hoggaamiyeyaasha Iran u sheego inaysan u malayn in nabadi ay jiri doonto, haddii ay na soo weeraraan.”

Wuxuu sheegay in jawaabta Israa’iil aysan la mid noqon doonin sidii ay uga falcelisay weerarradii hore ee Iran, inkastoo uu sheegay in jawaabtii xilligaas ay ahayd “mid aad u xooggan.”

“Waqtigii nala soo weerari jiray iyadoo aan wax jawaab ah laga bixin wuu dhammaaday,” ayuu yiri.

Netanyahu wuxuu intaas ku daray:

“Waxaan tallaabooyinkan u qaadaynaa si aan ula tacaalno khatarta Iran, waxaana sii wadi doonnaa inaan sidaas ula dhaqanno cid kasta oo na waxyeellaysa. Taasi waa waxa aan sameyneyno.”

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles