Wednesday, July 15, 2026

Uganda oo Oggolaatay inay Ciidamo u Dirto Gaza kadib Codsi uga Yimid Trump

Dowladda Uganda ayaa lagu warramay inay mabda’ ahaan oggolaatay inay ciidamo ku biiriso howlgal caalami ah oo la qorsheynayo in laga hirgeliyo Marinka Gaza, kadib codsi uga yimid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Sida uu qoray wargeyska dowladda Uganda ee New Vision, oo soo xigtay ilo sare oo ka tirsan ciidamada, Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa si wanaagsan uga jawaabay codsiga Trump ee ahaa in Uganda ay qeyb ka noqoto Ciidanka Xasilinta Caalamiga ah ee Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka la qorsheynayo ay ka shaqeyn doonaan sugidda amniga, ilaalinta shacabka, fududeynta gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo iyo taageeridda dib u dhiska Gaza kadib colaaddii muddada dheer socotay.

Hase yeeshee, Taliska Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) weli si rasmi ah uma shaacin xilliga la diri doono ciidamada ama tiradooda, iyadoo saraakiisha milatarigu sheegeen in tallaabada ugu dambeysa ay ku xirnaan doonto go’aanka Madaxweynaha Museveni.

WARARKII KALE

RW ku xigeenka Soomaaliya oo weerar afka ah ku qaaday Mucaaradka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac,...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo hanjabaad cusub u diray Iran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Israa’iil...

Kenya: Cabsi laga muujinayo doorashada soo socota iyo waxa dhici kara

Kenya waxay wajahaysaa 84.1% khatar ah inuu dhaco nooc...

 Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Doha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta...

Shir Looga Hadlay Tayada iyo Horumarinta Biyaha Sifeysan oo Muqdisho Lagu Qabtay

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Banaadir, Ciise Maxamuud Guure,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles