RW ku xigeenka Soomaaliya oo weerar afka ah ku qaaday Mucaaradka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in aysan jirin cid ka baxsan shacabka Soomaaliyeed oo go’aamin karta nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

Saalax Axmed ayaa dhaliilay siyaasiyiin uu ku tilmaamay inay sheeganayaan inay go’aaminayaan doorashada dalka, isagoo yiri: “Kuwa waxaad arkeysaan waxay leeyihiin doorashada dalka ayaan go’aamineynaa, haddana waxba kuma dhex jiraan.”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in doodda dhabta ah ee u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ay tahay nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso.

“Waa in la isweydiiyo nooca doorasho aan rabno; ma tii odayaasha gacanta ugu jirtay mise doorasho ay shacabka si toos ah ugu doortaan qofka ay rabaan? Taasi waa dooda u dhexeysa mucaaradka iyo dowladda,” ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac.

Hadalka Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa imanaya iyadoo ay weli taagan tahay doodda siyaasadeed ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya iyo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles