Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa maanta daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda(SNAIC), oo ah xarun loogu talagalay horumarinta cilmi-baarista, waxbarashada, hal-abuurka iyo dhisidda awoodda aqooneed ee Garaad Gacmeedka.

Munaasabadda daahfurka waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socday qaar kamid ah hay’adaha dowladda, jaamacadaha dalka, bahda tacliinta sare, khubaro dhanka teknoolojiyadda iyo Garaad Gacmeedka ah, iyo daneeyayaal kale.

Xaruntu waxay noqon doontaa xarunta hormuudka u ah Jaamacadda ee horumarinta Garaad Gacmeedka, iyadoo taageeraysa horumarinta xalal maxalli ah oo ka qayb qaadanaya horumarka qaranka iyo isbeddelka dhijitaalka ah.

Xaruntu waxay diiradda saari doontaa horumarinta cilmi-baarista, kobcinta tayada khubarada Soomaaliyeed, taageeridda hal-abuurka, ka qayb qaadashada dejinta siyaasadaha iyo hannaanka maamul ee Garaad Gacmeedka, iyo xoojinta iskaashiyada kor u qaadaya horumarinta mas’uuliyadda leh ee Garaad Gacmeedka.

Sidoo kale hawlaheedu waxay dabooli doonaan dhinacyada muhiimka ah ee cilmi-baarista, oo ay ka mid yihiin isbarid mashiinnada, habaynta afafka (luuqadaha) dabiiciga ah, cilmiga xogta, Aragga Kombiyuutarka, robotiyada, iyo anshaxa Garaad Gacmeedka, iyadoo kor u qaadaysa adeegsiga teknoolojiyaddan ee waxbarashada, caafimaadka, beeraha, maamulka iyo koboca dhaqaalaha.

Xaruntu waxay sidoo kale bixin doontaa barnaamijyo tacliimeed, tababbarro xirfadeed, hindiseyaal cilmi-baaris iyo hawlo hal-abuur oo loogu talagalay in lagu kobciyo aqoonta iyo xirfadaha ardayda, cilmi-baarayaasha iyo xirfadlayaasha si ay uga faa’iidaystaan Garaad Gacmeedka, ugana qayb qaataan horumarka qaranka.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles