Dagaal xooggan oo ka dhacay Baydhabo

Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo, xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed iyo xarunta gobolka Baay.
Iska horimaadka ayaa si lama filaan ah u billowday abaarihii 1:30 habeenimo, wuxuuna socday muddo, iyadoo jugta rasaasta iyo madaafiicda laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada.
Dagaalka ayaa markii dambe ku fiday Jidka 30-ka oo ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee Baydhabo.
Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha amniga oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana jira walaac laga qabo in rasaas habow ah ay waxyeello gaarsiisay dadka rayidka ah.
Sidoo kale, weli lama xaqiijin dhinacyadii rasmiga ahaa ee ku lug lahaa dagaalka, maadaama xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka Baay ay tahay mid cakiran, isla markaana ay jiraan dhinacyo kala duwan oo hubeysan oo ka howlgala deegaannada gobolka.
Wararka ku saabsan dagaalkan ayaa weli soo baxaya, waxaana la filayaa in maamulka iyo hay’adaha amniga ay faahfaahin ka bixiyaan marka baaritaannada hordhaca ah la soo gabagabeeyo.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles