Dagaal xooggan oo ka dhacay Baydhabo

Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo, xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed iyo xarunta gobolka Baay.
Iska horimaadka ayaa si lama filaan ah u billowday abaarihii 1:30 habeenimo, wuxuuna socday muddo, iyadoo jugta rasaasta iyo madaafiicda laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada.
Dagaalka ayaa markii dambe ku fiday Jidka 30-ka oo ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee Baydhabo.
Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha amniga oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana jira walaac laga qabo in rasaas habow ah ay waxyeello gaarsiisay dadka rayidka ah.
Sidoo kale, weli lama xaqiijin dhinacyadii rasmiga ahaa ee ku lug lahaa dagaalka, maadaama xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka Baay ay tahay mid cakiran, isla markaana ay jiraan dhinacyo kala duwan oo hubeysan oo ka howlgala deegaannada gobolka.
Wararka ku saabsan dagaalkan ayaa weli soo baxaya, waxaana la filayaa in maamulka iyo hay’adaha amniga ay faahfaahin ka bixiyaan marka baaritaannada hordhaca ah la soo gabagabeeyo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada...

Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles