Taliye ka tirsanaa Puntland oo la dilay iyo ninkii falka geystay oo la qabtay

Wararka laga helayo degmada Jariiban ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay Taliyihii saldhigga booliiska Jarriiban Gaashaanle Guuleed Cabduqaadir Kadleeye.

Inkastoo aanan faahfaahin badan laga helin qaabka uu udhacay dilka taliyaha hadana wararku waxay sheegayaan in dilka taliyaha uu geystay nin hubeysan.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay nin ku eedeysan in uu dilay taliyihii saldhiga booliska degmada Jariiban ee gobolka Mudug Gaanshaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye.Puntland political analysis

Booliska Puntland wuxuu tilmaamay in isaga oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ay eedeysanaha oo lagu magacaabo Ibraahim Axmed Kooshin ka soo qabteen gudaha magaalada Jariiban.

Booliska ayaa xusay in eedeysane Ibraahim loo gudbin doono hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh, si loo marsiiyo hannaanka cadaaladda Puntland.

Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu yiri “Taliska qaybta Booliska gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Ibraahim Axmed Kooshin, kaas oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii Taliyihii Saldhigga Degmada Jariiban, Alle ha u naxariistee G/le Guuleed Kadleeye”.

“Ciidanka Booliska gobolka Mudug oo kaashanaya odayaasha deegaanka ayaa eedeysanaha oo ku sugnaa gudaha magaalada Jariiban gacanta kudhigay waxaana loo gudbin doonaa hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh si sharciga waafaqsan loogu qaado tallaabooyinka ku habboon” ayaa la raaciyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada...

Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles