Taliye ka tirsanaa Puntland oo la dilay iyo ninkii falka geystay oo la qabtay

Wararka laga helayo degmada Jariiban ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay Taliyihii saldhigga booliiska Jarriiban Gaashaanle Guuleed Cabduqaadir Kadleeye.

Inkastoo aanan faahfaahin badan laga helin qaabka uu udhacay dilka taliyaha hadana wararku waxay sheegayaan in dilka taliyaha uu geystay nin hubeysan.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay nin ku eedeysan in uu dilay taliyihii saldhiga booliska degmada Jariiban ee gobolka Mudug Gaanshaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye.Puntland political analysis

Booliska Puntland wuxuu tilmaamay in isaga oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ay eedeysanaha oo lagu magacaabo Ibraahim Axmed Kooshin ka soo qabteen gudaha magaalada Jariiban.

Booliska ayaa xusay in eedeysane Ibraahim loo gudbin doono hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh, si loo marsiiyo hannaanka cadaaladda Puntland.

Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu yiri “Taliska qaybta Booliska gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Ibraahim Axmed Kooshin, kaas oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii Taliyihii Saldhigga Degmada Jariiban, Alle ha u naxariistee G/le Guuleed Kadleeye”.

“Ciidanka Booliska gobolka Mudug oo kaashanaya odayaasha deegaanka ayaa eedeysanaha oo ku sugnaa gudaha magaalada Jariiban gacanta kudhigay waxaana loo gudbin doonaa hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh si sharciga waafaqsan loogu qaado tallaabooyinka ku habboon” ayaa la raaciyay.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles