Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay danjirenimada Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim, kaas oo loo magacaabay inuu ka mid noqdo diblomaasiyiinta Soomaaliya ee matala dalka.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa darajada danjirenimo u dalacsiiyay Mudane Shaafici Nuur Calas, kadib markii la tixgeliyay waajibaadkiisa iyo shaqadii uu ka soo qabtay adeegga diblomaasiyadda.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa magacaabay guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, kaddib markii horay loo kala diray maamulkii hore ee rugta.
Xilka guddoomiyaha KMG ah ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Mudane Yaasiin Maxamuud Cibaar, kaas oo hadda hoggaamin doona howlaha rugta inta laga dhisayo maamul cusub.
Go’aannadan ayaa qeyb ka ah howlaha dib-u-habeynta iyo magacaabista xilalka muhiimka ah ee ay waddo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.


