Golaha Wasiirrada oo Guddoomiye Cusub u Magacaabay Rugta Ganacsiga

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay danjirenimada Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim, kaas oo loo magacaabay inuu ka mid noqdo diblomaasiyiinta Soomaaliya ee matala dalka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa darajada danjirenimo u dalacsiiyay Mudane Shaafici Nuur Calas, kadib markii la tixgeliyay waajibaadkiisa iyo shaqadii uu ka soo qabtay adeegga diblomaasiyadda.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa magacaabay guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, kaddib markii horay loo kala diray maamulkii hore ee rugta.

Xilka guddoomiyaha KMG ah ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Mudane Yaasiin Maxamuud Cibaar, kaas oo hadda hoggaamin doona howlaha rugta inta laga dhisayo maamul cusub.

Go’aannadan ayaa qeyb ka ah howlaha dib-u-habeynta iyo magacaabista xilalka muhiimka ah ee ay waddo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles