Turkiga oo Adkeeyay Taageerada Soomaaliya iyo Dalalka Kale ee Gobolka

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono garab istaagga dadka la dulmiyay ee ku nool dunida, isaga oo xusay dalal ay ka mid yihiin Gaza, Lubnaan, Soomaaliya, Suuriya, Arakan iyo Suudaan.

Erdogan ayaa sheegay in meel kasta oo uu joogo qof la dulmiyay, qof ooyaya ama qof rajo beelay, ay gaari doonto taageerada Turkiga.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhallinyarada Turkiga inay xusuustaan in maanta indhaha caalamku ay ku soo jeedaan dalkooda.

“Maanta Beyruud, Dimishiq, Xalab, Tripoli, Sarajevo, Gaza, Daanta Galbeed iyo Qudus waxay rajadooda ku xireen Turkiga,” ayuu yiri Erdogan, isagoo intaas ku daray in dadka dulman ee ku nool Bariga Dhexe, Qowqaaska, Balkans iyo Afrika ay rajo weyn ka qabaan doorka Ankara.

Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa ku soo aadaya xilli Ankara ay sii xoojineyso kaalinteeda gobolka iyo Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo ay muddo dheer ka ahayd saaxiib dhow.

Turkiga ayaa taageero ballaaran siiya Soomaaliya, isagoo gacan ka geysta dhinacyada amniga, tababarka Ciidamada Qalabka Sida, la-dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, Ankara waxay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed iyo gargaar bani’aadannimo, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah saaxiibbada ugu muhiimsan ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles