Thursday, July 16, 2026

Turkiga oo Adkeeyay Taageerada Soomaaliya iyo Dalalka Kale ee Gobolka

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono garab istaagga dadka la dulmiyay ee ku nool dunida, isaga oo xusay dalal ay ka mid yihiin Gaza, Lubnaan, Soomaaliya, Suuriya, Arakan iyo Suudaan.

Erdogan ayaa sheegay in meel kasta oo uu joogo qof la dulmiyay, qof ooyaya ama qof rajo beelay, ay gaari doonto taageerada Turkiga.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhallinyarada Turkiga inay xusuustaan in maanta indhaha caalamku ay ku soo jeedaan dalkooda.

“Maanta Beyruud, Dimishiq, Xalab, Tripoli, Sarajevo, Gaza, Daanta Galbeed iyo Qudus waxay rajadooda ku xireen Turkiga,” ayuu yiri Erdogan, isagoo intaas ku daray in dadka dulman ee ku nool Bariga Dhexe, Qowqaaska, Balkans iyo Afrika ay rajo weyn ka qabaan doorka Ankara.

Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa ku soo aadaya xilli Ankara ay sii xoojineyso kaalinteeda gobolka iyo Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo ay muddo dheer ka ahayd saaxiib dhow.

Turkiga ayaa taageero ballaaran siiya Soomaaliya, isagoo gacan ka geysta dhinacyada amniga, tababarka Ciidamada Qalabka Sida, la-dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, Ankara waxay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed iyo gargaar bani’aadannimo, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah saaxiibbada ugu muhiimsan ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirkii difaaca Jabuuti oo geeriyooday

Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed Burhaan, ayaa geeriyooday,...

Aqalka Sare oo u yeeray Wasiir Mukhtaar Roobow iyo eedeymo culus oo lagu haysto

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka,...

Heshiis is afgarad ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga oo la ansixiyay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Golaha Wasiirrada oo Guddoomiye Cusub u Magacaabay Rugta Ganacsiga

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh...

Kaalimihii Shidaalka Boosaaso oo Xirmay

Xiisadda u dhexeysa maamulka Puntland iyo ganacsatada ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles