Kaalimihii Shidaalka Boosaaso oo Xirmay

Xiisadda u dhexeysa maamulka Puntland iyo ganacsatada ayaa maanta sii xoogeysatay, kaddib markii inta badan kaalimaha shidaalka ee magaalada Boosaaso ay albaabada u laabeen, iyagoo ku biiray xarumihii ganacsiga ee hore loo xiray. 

Wararka laga helayo Boosaaso ayaa sheegaya in guddoomiyihii Iskaashatada Shidaalka xalay la xiray, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta xariggiisa. Xubno ka tirsan Iskaashatada Shidaalka ayaa xaqiijiyay in xariggaasi uu dhacay.

Dhanka kale, magaalada Garoowe ayaa sidoo kale inta badan xarumaha ganacsigu wali xiran yihiin, iyadoo ganacsatadu ay ka arrinsanayaan tallaabada ay ka qaadi doonaan hadalkii Madaxweyne Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Ganacsatada ayaa sheegay in xiritaanka suuqyadu uu yahay mudaaharaad ay kaga soo horjeedaan khidmadaha cusub ee ay soo rogtay shirkadda maamusha Dekedda Boosaaso ee DP World. Waxay ku doodayaan in khidmadahaasi ay culays ku yihiin ganacsiga isla markaana ay sare u qaadi doonaan qiimaha badeecadaha ay shacabka isticmaalaan.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay sheegay in Dekedda Boosaaso ay si caadi ah u shaqaynayso, isagoo beeniyay wararka sheegaya inay xiran tahay. Wuxuu sidoo kale caddeeyay in dowladda Puntland aysan canshuur cusub ku soo rogin shacabka iyo ganacsatada gudaha, balse kororka uu quseeyo oo keliya khidmadaha laga qaado maraakiibta badeecadaha dalka keena.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqda inuu sii kiciyay caro ay qabaan ganacsatada, kuwaas oo ku adkeysanaya inay diidan yihiin khidmadaha cusub, taasoo sii xoojisay xiisadda ganacsi ee ka taagan magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada...

Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles