Kaalimihii Shidaalka Boosaaso oo Xirmay

Xiisadda u dhexeysa maamulka Puntland iyo ganacsatada ayaa maanta sii xoogeysatay, kaddib markii inta badan kaalimaha shidaalka ee magaalada Boosaaso ay albaabada u laabeen, iyagoo ku biiray xarumihii ganacsiga ee hore loo xiray. 

Wararka laga helayo Boosaaso ayaa sheegaya in guddoomiyihii Iskaashatada Shidaalka xalay la xiray, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababta xariggiisa. Xubno ka tirsan Iskaashatada Shidaalka ayaa xaqiijiyay in xariggaasi uu dhacay.

Dhanka kale, magaalada Garoowe ayaa sidoo kale inta badan xarumaha ganacsigu wali xiran yihiin, iyadoo ganacsatadu ay ka arrinsanayaan tallaabada ay ka qaadi doonaan hadalkii Madaxweyne Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Ganacsatada ayaa sheegay in xiritaanka suuqyadu uu yahay mudaaharaad ay kaga soo horjeedaan khidmadaha cusub ee ay soo rogtay shirkadda maamusha Dekedda Boosaaso ee DP World. Waxay ku doodayaan in khidmadahaasi ay culays ku yihiin ganacsiga isla markaana ay sare u qaadi doonaan qiimaha badeecadaha ay shacabka isticmaalaan.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay sheegay in Dekedda Boosaaso ay si caadi ah u shaqaynayso, isagoo beeniyay wararka sheegaya inay xiran tahay. Wuxuu sidoo kale caddeeyay in dowladda Puntland aysan canshuur cusub ku soo rogin shacabka iyo ganacsatada gudaha, balse kororka uu quseeyo oo keliya khidmadaha laga qaado maraakiibta badeecadaha dalka keena.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqda inuu sii kiciyay caro ay qabaan ganacsatada, kuwaas oo ku adkeysanaya inay diidan yihiin khidmadaha cusub, taasoo sii xoojisay xiisadda ganacsi ee ka taagan magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles