Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa dhaliil u jeediyay hannaanka doorashooyinka ka socda dalka, isagoo sheegay in doorashooyinkii ka dhacay Muqdisho iyo Koonfur Galbeed, iyo tan la qorsheynayo inay ka dhacdo Galmudug, aysan ahayn kuwo cadaalad ku dhisan.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in doorashooyinkaasi ay yihiin kuwo lagu dulminayo shacabka ku nool deegaannada ay ka dhacayaan, isla markaana aan lagu dhisin is-afgarad siyaasadeed iyo hannaan loo wada dhan yahay.
Dhanka amniga, Madaxweynihii hore ayaa ka digay khataro weli ka jira Soomaaliya, isagoo xusay in aanay jirin meel dalka ka mid ah oo amnigeeda si buuxda loogu kalsoonaan karo.
“Iyadoo aysan jirin dalka meel amni ah oo boqolkiiba boqol la isku halayn karo, haddii ciidamada AUSSOM (AMISOM hore) baxaan, ciidankeenuna sida aan aragnay u kala daadsan yahay, halis ayaan ku jirnaa,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Hadalladan ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo xaaladda amniga dalka.


