Sheekh Shariif oo eedeyn u jeediyay MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa dhaliil u jeediyay hannaanka doorashooyinka ka socda dalka, isagoo sheegay in doorashooyinkii ka dhacay Muqdisho iyo Koonfur Galbeed, iyo tan la qorsheynayo inay ka dhacdo Galmudug, aysan ahayn kuwo cadaalad ku dhisan.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in doorashooyinkaasi ay yihiin kuwo lagu dulminayo shacabka ku nool deegaannada ay ka dhacayaan, isla markaana aan lagu dhisin is-afgarad siyaasadeed iyo hannaan loo wada dhan yahay.

Dhanka amniga, Madaxweynihii hore ayaa ka digay khataro weli ka jira Soomaaliya, isagoo xusay in aanay jirin meel dalka ka mid ah oo amnigeeda si buuxda loogu kalsoonaan karo.

“Iyadoo aysan jirin dalka meel amni ah oo boqolkiiba boqol la isku halayn karo, haddii ciidamada AUSSOM (AMISOM hore) baxaan, ciidankeenuna sida aan aragnay u kala daadsan yahay, halis ayaan ku jirnaa,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hadalladan ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo xaaladda amniga dalka.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles