Shirkii u dhexeeyay DF iyo Mucaaradka oo Natiijo la’aan ku soo dhammaaday

Wadahadalladii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha guddiyada dhinacyada mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin qodobadii la isku hayay.

Kulankan oo ay garwadeen ka ahaayeen wakiillo ka socda Beesha Caalamka iyo dowladda Turkiga ayaa qaatay saacado badan, waxaana doodihii ugu adkaa lagu yeeshay gudaha xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in labada dhinac ay dib ugu laabteen isla qodobadii muranka dhaliyay ee shirarkii hore lagu kala tagay, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin qaabka loo wajahayo nidaamka doorashada, doorasho toos ah, nidaamka 4.5 iyo ilaalinta qoondada haweenka ee 30%.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhinacyadu aysan ku guuleysan inay meel dhexe iska soo dhaweeyaan aragtiyahooda, taas oo keentay in kulanka uu ku soo dhammaado iyadoo aan la gaarin wax is-afgarad ah.

Wadahadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo Beesha Caalamka ay ku boorrisay dhinacyada siyaasadda inay sii wadaan wada-hadallada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sacuudiga oo tuhunsan in Imaaraadku door ku lahaa aqoonsiga Israel ee Somaliland

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa, sida lagu sheegay warbixin cusub...

Fiqi “Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo amniga wax u dhimeysa”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin culus...

RW Xamsa oo ka digay in la siyaasadeeyo amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka digay...

Iran oo shaacisay war ku saabsan marinka Hormuz

Iiraan waxay sheegtay in xal lagu gaaro wada-xaajood oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles