Monday, July 20, 2026

RW Xamsa oo ka qeyb galay xafladda qalin jabinta dufcadii 1-aad ee Machadka Dacwada iyo Daraasaadka Islaamka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb galay munaasabadda qalin jabinta Dufcaddii Kowaad ee heerka Master-ka Dacwadda iyo Garsoorka, kuwaas oo noqonaya ardaydii ugu horreysay ee ka qalin-jabisa Machadka Sare ee Arrimaha Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hambalyo u diray ardayda qalin-jabisay, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka iyo kartida ay ku gaareen heerkan tacliimeed, wuxuunna ku boorriyey in aqoonta ay u adeegsadaan ilaalinta caddaaladda, ku dhaqanka sharciga iyo u adeegidda bulshada Soomaaliyeed si daacadnimo iyo hufnaan leh.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Xamsa in dadka bartay Culuumta Islaamka, ay yihiin kuwii ilaalin lahaa caqiidada Islaamka iyo Sunnaha Rasuullka, “Aqoonyahanka bartay Dacwadda waxa ay rejo u yihiin ummadda Islaamka ah, waxa ay albaab u furaan kuwa quustay, waxa ayna ilaaliyaan midnimada ummadda, doorarkaas muhiimka ah ayey culimada Soomaaliyeed u taagan-yihiin”.

Mudane Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay dajisay siyaasad Qaran oo lagu nidaaminayo Culuumta Shareecada, iyada oo lagu salaynayo caqiidada saxda ah, lana mideeyay dhammaan dugsiyada lagu barto Cilmiga Dacwadda.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha, ayaa bogaadiyey wada-hadallada dowladda iyo saamilleyda siyaasadda kuwaas oo muhiimad weyn u leh horumarka Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uunna ugu baaqay dhammaan dadka doonaya in ay shacabka Soomaaliyeed hoggaamiyaan in ay dowladda ku taageeraan ciribtirka Khawaarijta iyo adkeynta midnimada Qaranka

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Toban qof ayaa ku geeriyooday markab ganacsi oo lagu weeraray Badda Madow

Tirada dadka ku dhintay weerar Ruushku ku qaaday markab...

Xuutiyiinta oo ku dhawaaqay iney “badda ka go’doominayaan” Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay ku soo rogeen...

Khalil al-Hayyah oo loo doortay hoggaamiyaha cusub ee Xamaas

Ururka Xamaas ayaa u magacowday in uu noqdo hoggaamiyahooda...

Dagaal xooggan oo ka bilowday Boosaaso

Dagaal xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka qarxay meel...

Wasiir ku xigeenkii wasaaradda Waxbarashada Jubbaland oo geeriyooday

Allaah u naxriistee waxaa geeriyooday Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles