Israel oo xarig ugu hanjabtay Duqa York

Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon ayaa ka hadlay hadal uu dhawaan yiri duqa magaalada New York, Zohran Mamdani.

Mamdani, ayaa dhawaan sheegay in talada ay ku jirto suurtagalnimada in la xiro Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, marka uu yimaado New York si uu uga qaybgalo shirka Qaramada Midoobay.

Dony ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay isku day lagu marin habaabinayo dareenka shacabka, si looga jeediyo fashilka duqa magaalada.

“Qofka ay tahay in la xiro ma aha Ra’iisul Wasaarahayaga; waa adiga, Mudane Mamdani. Haddaba aan arrinta si cad u sheego. Waa isla duqii magaaladaas oo komishinarkiisa isku dayay inuu la kulmo wakiilka Iiraan u jooga Qaramada Midoobay, xilli Maraykanku dagaal kula jiray isla nidaamkaas shar-wadayaasha. Nasiib wanaag, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa arrintaas joojisay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri:

“Waa isla duqii magaaladaas oo u baroordiiqay xubin ka tirsanaa Xamaas, kuna tilmaamay saxafi rayid ah oo aan waxba galabsan. Waa isla duqii magaaladaas oo weli sii hurinaya naceybka ka dhanka ah Yuhuudda ee ka jira guud ahaan New York”.

“Haddana waa isla duqii magaaladaas oo ku hanjabaya inuu xiro Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, isagoo adeegsanaya awood uusan lahayn. Ra’iisul Wasaare Netanyahu wuu iman doonaa New York, wuxuu ka hadli doonaa isla madashan. Wuxuu ku hadli doonaa magaca Dowladda Israa’iil. Wuxuu difaaci doonaa shacabka Israa’iil, mana jirto wax aad samayn karto oo aad uga hor istaagi karto”, ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Duqa magaalada New York, Zahran Mamdani, ayaa sheegay in talada ay ku jirto suurtagalnimada in la xiro Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu marka uu yimaado New York si uu uga qaybgalo shirka Qaramada Midoobay.

Isagoo Sabtidii ka hadlayay barnaamijka ‘podcast’-gaa ee wargeyska The New York Times, Mamdani wuxuu sheegay in xafiiskiisu uu eegayo tallaabooyin suurtagal ah oo lagu xiri karo “dambiilaha dagaalka” marka uu yimaado magaalada New York bisha Sebtembar.

Mamdani wuxuu ballan-qaadkan sameeyay xilligii ololihiisa doorashada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sacuudiga oo tuhunsan in Imaaraadku door ku lahaa aqoonsiga Israel ee Somaliland

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa, sida lagu sheegay warbixin cusub...

Fiqi “Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo amniga wax u dhimeysa”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin culus...

RW Xamsa oo ka digay in la siyaasadeeyo amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka digay...

Iran oo shaacisay war ku saabsan marinka Hormuz

Iiraan waxay sheegtay in xal lagu gaaro wada-xaajood oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles