Tuesday, July 21, 2026

Ciidanka Puntland oo la Wareegtay Goobihii ay kula dagaalmaeen ciidanka PSF

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa la sheegay inay saaka si buuxda ula wareegeen goobihii shalay dagaalku ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada PSF ee dhowaan Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inay ku dartay ciidamadeeda.

Wararka laga helayo deegaanka Laag ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay gacanta ku hayaan goobihii lagu dagaallamay, isla markaana ay la wareegeen gaadiid dagaal iyo tiro maxaabiis ah oo ka tirsanaa ciidamada PSF.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay in waddada u dhexeysa Kontoroolka Boosaaso iyo deegaanka Kalabayr ay weli xiran tahay, iyadoo shacabka laga celinayo sababo amni awgood.

Mas’uuliyiinta amniga Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 8 baabuur oo nooca dagaalka ah iyo tiro maxaabiis ah oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan PSF. Waxay sheegeen in tallaabadan ay qeyb ka tahay fulinta go’aankii Golaha Wasiirrada Puntland ee lagu mamnuucay dhaq-dhaqaaqa hubka iyo ciidamada aan ku jirin howlgal rasmi ah.

Wararka deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in inta badan ciidamadii PSF ay saqdii dhexe ee xalay lug uga baxeen goobta, kaddib markii lagu cadaadiyay dagaalka ka socday dhulka buuraleyda ah, halka Puntland ay halkaas geysay ciidamo iyo gurmad dheeraad ah.

Dhanka kale, warar aan si madax-bannaan loo xaqiijin ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ciidamada PSF ay isu dhiibeen ciidamada Puntland, kadib markii ay ku adkaatay inay sii wadaan dagaalka. Dowladda Federaalka iyo taliska PSF ayaan weli si rasmi ah uga hadlin sheegashooyinkan.

Taliyaha ciidamada Puntland ee guutooyinka Calmiskaat, Col. Maxamuud Shire, oo la hadlay ciidamada ku sugan duleedka Laag ayaa yiri:

“Cid kasta oo dhahda Federaal ayaan nahay sidaas ayaa u dambeyn doonta.”

Xiisadda u dhexeysa Puntland iyo ciidamada PSF ayaa weli taagan, iyadoo laga cabsi qabo in dagaallo hor leh ay ka qarxaan deegaannada gobolka Bari haddii aan xal wada-hadal lagu gaarin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dad ka ganacsada carruurta yaryar oo xukunno lagu riday

Sagaal iyo toban qof ayaa dalka Indonesia lagu helay...

Ruushka oo gantaallo ku riday meel u dhow dalka Ingiriiska iyo UK oo dhaqdhaqaaqyo bilowday

Markab dagaal oo Ruushku leeyahay ayaa sameeyay tijaabooyin lagu...

Mareykanka oo Iiraan kala kulmaya weerarro khasaare badan gaustay

Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in ku...

Dowladda Kuweyt oo qiratay in xaruumo ay Iiraan ka wareertay

Dowladda Kuweyt ayaa xaqiijisay in warshaddeeda biyaha iyo xarunteeda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles