Puntland oo Faahfaahin Ka Bixisay Hawlgalkii Boosaaso

Maamulka Puntland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Ciidanka Ammaanka Puntland ay maanta hawlgal amni oo qorshaysan ka fuliyeen deegaanka Laag ee gobolka Bari, kaas oo lagu sheegay in lagu soo afjaray koox hubaysan oo, sida ay sheegeen, muddooyinkii u dambeeyay ka waday deegaannada Puntland falal amni-darro iyo qalqalgelin.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kooxdaasi ay ku lug lahayd falal lagu carqaladeynayay amniga, xasilloonida iyo nabadda Puntland.

Puntland waxay sheegtay in intii uu socday hawlgalku ay ciidamadeedu gacanta ku dhigeen gaadiid ciidan, hub noocyo kala duwan leh iyo tiro maxaabiis ah, iyadoo sidoo kale xustay in hawlgallo lagu baadi-goobayo xubno ka tirsan kooxda oo firxaday ay weli socdaan.

Maamulka Puntland ayaa intaas ku daray in ciidamada ammaanku ay sii wadaan xaqiijinta amniga deegaanka, isla markaana ay ka go’an tahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa ku soo dhammaaday ballanqaad ah in Ciidanka Ammaanka Puntland ay sii wadi doonaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee ay khusayso arrintan ayaan weli ka soo saarin war rasmi ah oo ay kaga jawaabayaan war-saxaafadeedka Puntland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sacuudiga oo tuhunsan in Imaaraadku door ku lahaa aqoonsiga Israel ee Somaliland

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa, sida lagu sheegay warbixin cusub...

Fiqi “Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo amniga wax u dhimeysa”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin culus...

RW Xamsa oo ka digay in la siyaasadeeyo amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka digay...

Iran oo shaacisay war ku saabsan marinka Hormuz

Iiraan waxay sheegtay in xal lagu gaaro wada-xaajood oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles