Tuesday, July 21, 2026

Dab khasaare hantiyeed geystay oo ka Kacay Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan ayaa maanta ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Isgoyska Cabdalla Shideeye, kaas oo geystay khasaare hantiyeed, sida ay sheegayaan goobjoogayaal.

Dabka ayaa ka bilowday gudaha suuqa, waxaana la sheegay inuu saameeyay dhowr goobood oo ganacsi, iyadoo uu burburiyay hanti ay lahaayeen ganacsato halkaasi ka shaqeynayay.

Ciidamada Dab-damiska ee Gobolka Banaadir ayaa si degdeg ah u gaaray goobta, iyagoo wada dadaallo lagu daminayo dabka laguna xakameynayo inuu ku fido qeybaha kale ee suuqa.

Mid ka mid ah ganacsatada hantidooda ku waayay dabka ayaa sheegay in uu waayay wax walba oo uu ku tiirsanaa, isagoo yiri:

“Hanti way gubatay, goobteyda ganacsiga qoys badan ayaan ka korinayay, wax ii haray ma jiro.”

Ilaa iyo hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee dhalisay dabka, mana jiro war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha guud ee ka dhashay dabka.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah xarunta ugu weyn ee ganacsiga Muqdisho, waxaana marar badan ka dhacay dab sababay khasaare hantiyeed oo ballaaran.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dad ka ganacsada carruurta yaryar oo xukunno lagu riday

Sagaal iyo toban qof ayaa dalka Indonesia lagu helay...

Ruushka oo gantaallo ku riday meel u dhow dalka Ingiriiska iyo UK oo dhaqdhaqaaqyo bilowday

Markab dagaal oo Ruushku leeyahay ayaa sameeyay tijaabooyin lagu...

Mareykanka oo Iiraan kala kulmaya weerarro khasaare badan gaustay

Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in ku...

Dowladda Kuweyt oo qiratay in xaruumo ay Iiraan ka wareertay

Dowladda Kuweyt ayaa xaqiijisay in warshaddeeda biyaha iyo xarunteeda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles