Wednesday, July 22, 2026

Kenya oo qirtay in dad loo karaantiilay cudurka Ebola

Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aaden Barre Ducaale, ayaa markii ugu horreysay qirtay in dad badan la karantiilay muddo 21 maalmood ah.

“Waxaan karantiilnay dad badan, oo ay ku jiraan shaqaalaha Madaxweynaha,” ayuu yiri Wasiir Aden Ducaalr.

Markii suxufiyiintu wax ka weydiiyeen mustaqbalka xarumaha karantiilka ee loo dhisayo in lagu hayo muwaadiniinta Mareykanka, wuxuu sheegay in dowladda ay joojisay dhismaha xarunta karantiilka Ebola ee laga dhisayay Laikipia, kadib amar maxkamadeed oo hakiyay mashruuca.

“Waxaan ixtiraamnay go’aanka maxkamadda, waxaana joojinay dhismaha xarunta karantiilka ee Laikipia,” ayuu yiri Ducaale.

Ducaale ayaa hadalkan sheegay xilli uu la wareegayay shan tan oo agab caafimaad ah oo ay Hindiya ugu deeqday Kenya, kuwaas oo ay ka mid yihiin qalabka difaaca shaqsiga, qalabka baaritaanka cudurrada, heerkulbeegyada infrared-ka iyo agab kale oo degdeg ah si loo xoojiyo u diyaargarowga Kenya ee Ebola.

Wasiirku wuxuu sheegay in ilaa hadda aan Kenya laga helin wax kiis Ebola ah oo la xaqiijiyay, balse dowladda ay weli ku jirto heegan sare.

Hadalkiisa ayaa imanaya iyadoo dood ka taagan tahay xarun karantiil oo Mareykanku maalgeliyay oo ku taalla Nanyuki, taas oo wararka qaar sheegayaan inay weli shaqaynayso inkastoo maxkamaddu bishii May amar ku bixisay in la joojiyo dhismaheeda.

Toddobaadkii hore, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in toddobo shaqaale gargaar oo Mareykan ah oo ka qayb qaadanayay la tacaalidda cudurka Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay isku karantiileen xarun ku taalla Kenya. Hase yeeshee, lama oga in lagu hayo saldhigga ciidamada cirka ee Laikipia ee Nanyuki.

WARARKII KALE

Mareykanka iyo Sacuudiga oo ku dhawaaqaya heshiiska tamarta nukliyeerka

Washington iyo Riyaad ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan...

Ilaalada Kacaanka Iran oo ku dhawaaqay weerarro ay ku beegsadeen saldhigyo Mareykanku leeyahay

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegtay inay...

Cameroon iyo Gabon oo ku Baaqay in la soo Afjaro Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Dalalka Cameroon iyo Gabon ayaa ku baaqay in Midowga...

Baarlamaanka Turkiga oo Ansixiyay Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin uu soo gudbiyay Madaxweyne...

Booliska Itoobiya oo xiray 17 tuhmanayaal ah oo ku eedeysan tahriibinta dadka

Booliska dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay...

Trump oo ku hanjabay inuu weerari doono xarumaha nukliyeerka ee dhulka hoostiisa ah

Maraykanka ayaa weerarro ku qaaday Iiraan habeenkii 11-aad oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles