Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay saldhigyada Maraykanka ee King Faisal iyo Prince Hassan ee Urdun, iyadoo adeegsanaysa gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn intii lagu jiray “Hawlgalka Nasr 25”, taas oo ay sheegtay inay waxyeello gaarsiisay qalab milatari iyo ciidamo Maraykan ah.
IRGC waxay sheegtay bayaan ay soo saartay in la burburiyay ama waxyeello loo geystay goob diyaarinta diyaaradaha F-15, siddeed diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo nooca MQ-9 ah, iyo laba diyaaradood oo qumaatiga u kaca oo culus.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xarunta ay deggan yihiin ciidamada Maraykanka la bartilmaameedsaday, ayna jiraan askar la dilay iyo kuwo dhaawacmay.
Sheegashooyinka IRGC weli si madax-bannaan looma xaqiijin, waxaana aan weli wax jawaab ah ka bixin saraakiisha Maraykanka ama Urdun.
Ilaalada Kacaanka Iran oo ku dhawaaqay weerarro ay ku beegsadeen saldhigyo Mareykanku leeyahay
NAGU SOO BIIR


