Dowladda Mareykanka ayaa billowday wada-hadallo ay la yeelaneyso Soomaaliya iyo Eritrea, kuwaas oo diiradda lagu saarayo amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Baabul-Mandab, oo muhiim u ah isu-socodka ganacsiga caalamiga ah.
Sida ay sheegayaan wararka soo baxaya, Washington ayaa doonaysa inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay dalalka Geeska Afrika si loo sugo ammaanka marin-biyoodkan istaraatiijiga ah, loogana hortago khataraha sii kordhaya ee ka dhashay weerarrada kooxda Xuutiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in la-taliye sare oo ka tirsan maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dhawaan kulan la yeeshay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Eritrea, iyadoo kulanka ay goobjoog ka ahaayeen wakiillo ka socday dowladda Masar.
Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in kulanka looga hadlay xoojinta amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Baabul-Mandab, iyo sidoo kale sidii loo adkeyn lahaa xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyadoo la wajahayo caqabadaha amni ee isa soo taraya.
Haddii wada-hadalladan ay miro dhalaan, waxaa la filayaa inay sare u qaadaan doorka milatari iyo kan diblomaasiyadeed ee Mareykanka ee gobolka, maadaama Badda Cas ay tahay marin istaraatiiji ah oo laf-dhabar u ah ganacsiga caalamiga ah, isla markaana weerarrada Xuutiyiintu ay saameyn ku yeesheen isu-socodka maraakiibta caalamiga ah.


