MW Xasan Sheekh oo ku Wajahan Furimaha Dagaalka ee Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, la filayo inuu maalmaha soo socda booqasho ku tago furimaha hore ee dagaalka ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, iyadoo booqashadiisu qeyb ka tahay dadaallada lagu dardargelinayo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in magaalada xeebta ah ee Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay gaareen cutubyo kala duwan oo ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaas oo qeyb ka ah diyaarinta safarka madaxweynaha iyo adkeynta amniga magaalada.

Cadale waxaa sidoo kale dhowaan shir ku yeeshay saraakiisha sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka wada hadlay qorshaha sugidda amniga iyo gulufka ciidan ee lagu wajahayo Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sidoo kale booqan doono magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo uu kula kulmi doono saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiinta ku sugan furimaha dagaalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay dib u xoojiso howlgalka militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo deegaannada Hirshabeelle ay ka socdaan abaabul ciidan iyo gulufyo ka dhan ah fariisimaha kooxda.

Howlgallada ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ee lagu kordhinayo cadaadiska militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin jadwalka safarka Madaxweynaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo sameeyay magacaabis cusub

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimeyaasha...

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay waqooyi-galbeed ee Pakistan

Booliska waqooyi-galbeed ee Pakistan ayaa ku dhawaaqay in ugu...

Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hakiyay qorshihii Xamsa, taageerayna BFS

Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed ayaa 26-ka Sebtembar 2026...

Ciraaq oo Maraykanka kala hadlaysa duulimaadyada Iran

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in dowladda ay...

Sheegashada Puntland ee markabkii oo dood ka dhalatay iyo xog cusub

War cusub ayaa kasoo kordhaya cidda dhab ahaantii soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles