Tuesday, July 1, 2025

Ciidanka ammaanka Puntland oo burburiyay Fariisimo Daacish kulaheyd Gobalka Bari

Maamulka Puntland ayaa si xooggan ugu sii fiday howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish, kuwaas oo dhawaanahan ka socda gobolka Bari ee Puntland.

Ciidamada ammaanka ee degaannada Puntland ayaa burburiyey ugu yaraan shan talis oo ay Daacish ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ee gobolka Bari.

Howlgalka ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad, halkaas oo lagu burburiyey goobihii ay kooxda Daacish ku dhuumaaleysan jireen, waxaana laga helay hub iyo saanad ay kooxdaas ka carareen.

Ciidamadu waxay sidoo kale ku guuleysteen inay soo ridaan diyaarado Drones ah oo ay sheegeen saraakiishu in Daacish u isticmaalayeen inay ciidanka Puntland ku basaasaan, iyaga oo adeegsanayay tiknoolajiyadda si ay u ogaanayaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada.

Howlgallada culus ee ka socda gobolka Bari ayaa weli socda, waxaana saraakiishu ay sheegayaan inay qorsheynayaan in dagaalka ka dhanka ah Daacish la laba jibbaari doono.

Dagaallo hore oo ka dhacay Buuraha gobolka Bari ayaa lagu dilay xubno badan oo ka tirsanaa Daacish, waxaana sidoo kale dagaalkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac ay ka mid ahaayeen ajaanib badan oo ka yimid dalalka Carabta.

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa si adag uga go’an in ay ka hortagaan kooxda Daacish, iyaga oo sii wada tallaabooyinka lagu xakameynayo xubnaha kooxda ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda gobolka Bari.

WARARKII KALE

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay...

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles