Yahya Saree, oo ah afhayeenka xoogaga Xuutiyiinta Yemen, ayaa ku qoray bogga X in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan ‘bayraktar akıncı’ oo ah nooca sahanka ee Turkiga, taasoo ay ciidamada Sucuudigu u adeegsadeen “hawlgallada cadawga ee hawada gobolka Al-Jawf” lagu soo riday “hub ku habboon”.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Xuuthiyiinta ay ka jawaabi doonaan cid kasta oo ku xad gudubta madax banaanida, awoodna ay u leeyihiin.
Xuutiyiinta Yemen ayaa shalay sheegay inay duqeymo cirka ah la beegsadeen xarumaha Shidaalka ee Aramco iyo halka laga soo saaro Shidaalka Yanbu ee dalka Sacuudiga.
Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen daroon lagu sameeyay Turkiga oo Sacuudigu isticmaalayay
NAGU SOO BIIR


