Ciidanka Xoogga  oo Dib ula Wareegay Deegaanka Sumadaale ee G/Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan dib ugula wareegay deegaanka Sumadaale ee degmada Cadale, gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay fariisimo ku lahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ciidamada u suurtageliyay inay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka saaraan godadkii iyo fariisimihii ay ku dhuumaaleysanayeen, iyadoo wararku sheegayaan in kooxda ay halkaasi uga baxsatay jab culus.

Ciidamada Qaranka ayaa weli sii wada baacsiga maleeshiyaadkii goobta ka firxaday, si loo xaqiijiyo amniga deegaanka loogana hortago isku day kasta oo ay kooxda dib ugu soo laaban karto.

Howlgallada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa qeyb ka ah dadaallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku doonayaan inay ku wiiqaan awoodda maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana dib loogu soo celiyo amniga deegaannada ay hore uga howlgelayeen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamada Puntland oo xoog ku soo furtay markab ay haysteen kooxaha Burcadbadeeda

Ciidamada Difaaca Badda Dowladda Puntland, gaar ahaan Ciidamada Badda...

Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay amniga Badda Cas iyo xaaladda Soomaaliya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Eritrea ayaa kulan...

DFS oo si kulul uga falcelisay warqaddii Deni uu u diray Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qoraal uu...

 Dowlad xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Iran oo dagaal kula jirta Mareykanka

Dowladda Colombia ayaa sheegtay in go’aanka ay ku saleysay...

Askar ka tirsan ciidanka saaran markabka USS Abraham Lincoln oo ku hanjabay inay isdilayaan

Sida uu sheegay ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda Mareykanka, siddeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles