Wafdi ka socda DF oo qeyb galaya Shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya si ay uga qeyb galaan Kalfadhiga 49-aad ee Caadiga ah ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga qaaradda, dib-u-habaynta hay’adaha Midowga Afrika, iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee dalalka Afrika.

Wasiirka iyo wafdiga la socda ayaa waxaa si diirran u soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, iyadoo soo dhoweyntaasi ay muujinayso xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulanka ku soo bandhigi doonta mudnaanteeda la xiriirta xoojinta iskaashiga amniga, maamulka iyo maareynta arrimaha badda, iyo adkeynta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, inta uu shirka socdo, Wasiir Cabdisalaam Dhaay ayaa la filayaa inuu kulamo laba geesood ah la yeesho dhiggiisa dalal kala duwan si ay uga wada hadlaan la dagaallanka khataraha xuduudaha ka gudba, xoojinta doorka Midowga Afrika ee ka hortagga colaadaha, iyo horumarinta iskaashiga dhaqaale ee Geeska Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamada Puntland oo xoog ku soo furtay markab ay haysteen kooxaha Burcadbadeeda

Ciidamada Difaaca Badda Dowladda Puntland, gaar ahaan Ciidamada Badda...

Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay amniga Badda Cas iyo xaaladda Soomaaliya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Eritrea ayaa kulan...

DFS oo si kulul uga falcelisay warqaddii Deni uu u diray Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qoraal uu...

 Dowlad xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Iran oo dagaal kula jirta Mareykanka

Dowladda Colombia ayaa sheegtay in go’aanka ay ku saleysay...

Askar ka tirsan ciidanka saaran markabka USS Abraham Lincoln oo ku hanjabay inay isdilayaan

Sida uu sheegay ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda Mareykanka, siddeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles