Tuesday, July 28, 2026

Wasiir Cali Xoosh oo si adag uga Jawaabay Mucaaradka: “Dib Looguma Noqonayo Marxaladihii Ku-meelgaarka”

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), ayaa si adag uga falceliyay baaqii ay siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ku soo jeediyeen in Soomaaliya loo dhiso gole KMG ah oo maamula dalka.

Qoraal uu soo saaray, wasiirka ayaa sheegay in siyaasiyiintu ay xor u yihiin soo bandhigista aragtiyahooda, balse ay muhiim tahay in fikradahaasi ay noqdaan kuwo horseeda horumar, isla markaana ilaaliya dowladnimada Soomaaliya.

Cali Xoosh ayaa ku eedeeyay mucaaradka inay ku guuldarreysteen doodihii la xiriiray hannaanka doorashooyinka, isagoo sheegay in hadda ay soo bandhigayaan fikrado dib u celinaya dalka. Wuxuu xusay in lixdii dowladood ee ugu dambeysay ay dhammaantood ku yimaadeen doorashooyin dadban, balse Soomaaliya ay hadda u gudubtay nidaamka doorashada qof iyo cod.

Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa go’aaminaya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in aan la aqbali doonin dib ugu laabashada marxaladihii ku-meelgaarka ahaa.

Ugu dambeyn, Cali Xoosh ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo ku dhisan dhameystirka dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod, isagoo caddeeyay in dowladdu ay dooratay jidka horumarka isla markaana aysan jiri doonin dib u noqosho.

WARARKII KALE

Dowladda Soomaaliya oo si adag u Cambaareysay Weerarradii lagu Beegsaday Sacuudiga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarradii...

Puntland oo sheegtay in ay qabatay agab ciidan oo ka yimid dhanka Galmudug

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay magaalada...

Wafdi ka socda DF oo qeyb galaya Shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga...

Ciidanka Xoogga  oo Dib ula Wareegay Deegaanka Sumadaale ee G/Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan dib ugula...

Trump oo sheegay in wadahadallada dagaalka Iiraan ay socdaan xilli ay hakad ku jiraan duqeymaha

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in “wadaxaajoodyo saaxiibtinnimo...

Israa’iil oo sheegtay in diyaarad aan duuliye lahayn ay ku qabatay meel u dhow xadka Urdun

Ciidanka Israa’iil ayaa Talaadadii ku dhawaaqay inuu qabtay diyaarad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles