Wasiir Cali Xoosh oo si adag uga Jawaabay Mucaaradka: “Dib Looguma Noqonayo Marxaladihii Ku-meelgaarka”

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), ayaa si adag uga falceliyay baaqii ay siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ku soo jeediyeen in Soomaaliya loo dhiso gole KMG ah oo maamula dalka.

Qoraal uu soo saaray, wasiirka ayaa sheegay in siyaasiyiintu ay xor u yihiin soo bandhigista aragtiyahooda, balse ay muhiim tahay in fikradahaasi ay noqdaan kuwo horseeda horumar, isla markaana ilaaliya dowladnimada Soomaaliya.

Cali Xoosh ayaa ku eedeeyay mucaaradka inay ku guuldarreysteen doodihii la xiriiray hannaanka doorashooyinka, isagoo sheegay in hadda ay soo bandhigayaan fikrado dib u celinaya dalka. Wuxuu xusay in lixdii dowladood ee ugu dambeysay ay dhammaantood ku yimaadeen doorashooyin dadban, balse Soomaaliya ay hadda u gudubtay nidaamka doorashada qof iyo cod.

Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa go’aaminaya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in aan la aqbali doonin dib ugu laabashada marxaladihii ku-meelgaarka ahaa.

Ugu dambeyn, Cali Xoosh ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo ku dhisan dhameystirka dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod, isagoo caddeeyay in dowladdu ay dooratay jidka horumarka isla markaana aysan jiri doonin dib u noqosho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamada Puntland oo xoog ku soo furtay markab ay haysteen kooxaha Burcadbadeeda

Ciidamada Difaaca Badda Dowladda Puntland, gaar ahaan Ciidamada Badda...

Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay amniga Badda Cas iyo xaaladda Soomaaliya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Eritrea ayaa kulan...

DFS oo si kulul uga falcelisay warqaddii Deni uu u diray Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qoraal uu...

 Dowlad xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Iran oo dagaal kula jirta Mareykanka

Dowladda Colombia ayaa sheegtay in go’aanka ay ku saleysay...

Askar ka tirsan ciidanka saaran markabka USS Abraham Lincoln oo ku hanjabay inay isdilayaan

Sida uu sheegay ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda Mareykanka, siddeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles