Madaxweyne Xasan sheekh oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Darin LaHood  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xildhibaan Darin LaHood oo ka tirsan Aqalka Golaha Wakiillada Dowladdain Mareykanka, kaasi oo safar shaqo kusoo gaaray Dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ee dhinacyada xoojinta nabadda, amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo arrimaha kale ee ganacsiga iyo dhiiragelinta maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Mareykanka taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, isaga oo adkeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo xaqiijinta jawi amni oo horseeda maalgashi iyo horumar.

Dhankiisa, Xildhibaan Darin LaHood ayaa bogaadiyey horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dib u dhiska hay’adaha dowladda, xasillinta dalka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo wada-shaqeynta u dhexeysa labada Dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamada Puntland oo xoog ku soo furtay markab ay haysteen kooxaha Burcadbadeeda

Ciidamada Difaaca Badda Dowladda Puntland, gaar ahaan Ciidamada Badda...

Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay amniga Badda Cas iyo xaaladda Soomaaliya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Eritrea ayaa kulan...

DFS oo si kulul uga falcelisay warqaddii Deni uu u diray Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qoraal uu...

 Dowlad xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Iran oo dagaal kula jirta Mareykanka

Dowladda Colombia ayaa sheegtay in go’aanka ay ku saleysay...

Askar ka tirsan ciidanka saaran markabka USS Abraham Lincoln oo ku hanjabay inay isdilayaan

Sida uu sheegay ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda Mareykanka, siddeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles