Wednesday, July 29, 2026

Mareykanka oo dib u habeyn Farsamo ku sameyay Liiska Cunaqabataynta iyo Xasan Daahir Aweys oo weli ku Jira

Waaxda Xakamaynta Hantida Shisheeye ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka (OFAC) ayaa dib u habayn ku samaysay liiskeeda cunaqabataynta, iyadoo meesha ka saartay diiwaanno is-dul-saarnaa (duplicate entries) isla markaana cusboonaysiisay xogta aqoonsiga ee qaar ka mid ah dadka iyo hay’adaha ku jira liiska.

Waaxda Hantida Maraykanka (OFAC) ayaa ku dhawaaqday wareeggii labaad ee dib-u-habaynta liiska cunaqabataynta, iyadoo meesha ka saartay magacyo hore ugu soo noqnoqday liiska isla markaana saxday xogaha aqoonsiga ee qaar ka mid ah shaqsiyaadka iyo hay’adaha.

Warbixinta ayaa caddeysay in tallaabadan aysan ka dhignayn in cunaqabatayn laga qaaday shaqsiyaadkaas, balse ay ahayd oo keliya mideynta magacyo laba jeer ugu jiray liiska.

Hay’addu waxay sheegtay in dadka iyo hantida la xiriirta magacyadaas ay weli ku jiraan cunaqabataynta Maraykanka.

Dib-u-habaynta waxaa ku jiray magaca Xasan Daahir Aweys, iyadoo laga saaray oo keliya nuqulkii labaad ee magaciisa, halka diiwaankiisii rasmiga ahaa uu weli ku sii jiro liiska cunaqabataynta ee OFAC. Sidaas darteed, xaaladdiisa sharci iyo xayiraadaha saaran wax isbeddel ah kuma imaan.

War-saxaafadeedka Waaxda Hantida Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in dib-u-eegistan ay qayb ka tahay dadaal lagu casriyeynayo liisaska cunaqabataynta si ay u noqdaan kuwo sax ah, hufan, isla markaana diiradda saara khataraha amniga qaranka ee hadda jira.

Isbeddelkan ma aha ka-qaadis cunaqabatayn, balse waa dib-u-habayn farsamo oo lagu saxayo liiska. Sidaas darteed, Xasan Daahir Aweys weli wuxuu ku sii jiraa liiska cunaqabataynta ee OFAC.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo markale ku hanjabey in uu si daran u weerari doono Iiraan

Fox News ayaa baahisay in Madaxweyne Donald Trump uu...

MW Xasan Sheekh oo tagay dekedda Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tagay Dekedda...

DF oo si adag u cambaareysay weerarka lagu qaaday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duullaanka...

Dhalinyaro lagu xukumay Hindiya oo dalbaday in loo soo celiyo Soomaaliya

44 muwaadin oo Soomaali ah oo toddobaad ka hor...

Jubbaland oo ku eedeysay DF in markii ay ku fashilan tahay Raaskambooni ay Cadaadiskii Siyaasadeed u weecisay Puntland

Maamulka Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles